Sida ay sheegayaan wararka nagasoo gaaraya deegaanka xeraale waxaa halkaasi lagu geeryooday C/raxmaan Sh Cabdikariin Cali kaasi oo rasaas habaaw ah ugu tagtay gurigiisa.
Allah ha unaxariisto Wariye C/raxmaan Sh Cabdikariin Cali oo ku Magac dheeraa ‘BBC’ oo kamid ahaa wakiil wareedyada Galmudug Tv oo u geeryooday Dhaawac ka soo gaaray Dagaalkii Xeraale.
Dhalinyaro badan oo ku geeryootay dagaalkaasi ayuu ka mid noqday C/raxmaan Sh Cabdikariin Cali,waxaana wali hakan dagaal iyadoo laga cabsi qabo in uu bilaawdo waqti walbo