Wariyayaasha Garoowe Oo Madaxtooyada Puntland Looga Yeeray

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in goodhow Xarunta Madaxtooyada Maamulkaas looga yeeray Wariyayaasha ka howlgalla Garoowe.

Xubnaha Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa la sheegay in ay Wariyaasha u yeereen balse aan la ogeyn waxyaabaha laga hadli doono,waxana Wararka qaar ay sheegayaan in xaalada Tukaraq iyo dagaalada ka jira deegaanada Puntland laga hadli doono.

Wariyaayaal ku sugan Garoowe ayaaay  sheegay in goordhow ay gaaren Xarunta Madaxtooyada ee Garoowe,isla markaana la filayo in Wasiirka Warfaafinta uu Warbaahinta shir jaraa’id u qabto.

Wixii kas oo baxa kala socda halkan