Wareysigii MW Farmajo ee Universal waxaa ku cad in Farmaajo uusan fahamsaneyn nidaamka dowladnimo

Reading Time: 2 minutes

Waxaan daawaday oo dhegeystay wareysigii Wakiilka Universal TV Addis Ababa la yeeshay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo waxaana hordhac ahaan iiga soo baxay in Madaxweynaha aan loo diyaarin wareysiga isla markaana uusan si fiican u akhrin dastuurka, xog ogaal fiicaan u aheyn sharciga doorashada Barlamaanka Federaalka ansixiyay, ogeyn in Soomaaliya lagu dhaqayo qodobka VII ee Axdiga Qarammada Midoobay, iyo guud ahaan inuusan la socon guuxa iyo ra’yiga dadweynaha ka qabo wax qabadka Xukuumaddiisa.

Qodobka VII ee QM iyo Go’aanka Golaha Ammaanka ee UNSOM ku joogto Soomaaliya wuxuu jideynaya in Madaxweyne Farmaajo ilaaliyaan Ciidammada Yuganda, Axmed Madoobe Ciidammada Kenya, Lafta Garen Ciidamnada Ethiopia, Qoor Qoor Ciidammada Ethiopia iyo Jabuuti. Nidaamka wuxuu ahaa in marka hore soo darso xaaladda iyo xargaha Soomaaliya ku xirxiran.

Madaxweyne Farmajo wuxuu sheegay inuusan faragelin howlaha Xukuumadda, hase yeeshe ma garowsan marka la yiri DF waxay faragelisay Dowlad Goboledyada, gaar ahaan Jubbaland. Kalmadda faragelin ayuu hadba siduu rabo u fasiraya ama u dhigaya. RW ayaa faragelin kara Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Tirinta maalmaha uga harsan in xafiiska Madaxweynaha Maxamed Farmaajo.
[sales_countdown_timer id=”salescountdowntimer”]

Madaxweynaha ma kala saarin farqiga u dhexeeya ilaalinta xuduudka iyo la wareegidda nabadgelyada iyo maamulka degmooyinka Gedo. Madaxweynaha ma tixgelin in shacabka soomaaliyeed og yahay inuu reer Gedo yahay, qaban dareen qabiilnimo. Ilaalinta xuduudka waxaa ka horreeya nidaam dowladeed oo soomaali heshiis ku tahay. Madaxweynaha ma akhrin 143 qodob ee dastuurka kmg si wadajir ah iyo sida ay isugu xiran yihiin ama u kala soocan yihiin, waayo wuxuu ka booday qodobbada qeexaya habka nidaamka Federaalka ku dhismayo, wuxuuna qaatay hal qodob keli ah oo ku dabran qodobbo kale. Madaxweynaha wuxuu iloobay wixii ka dhacay shirkii Garowe ku dhexmaray DF iyo DG.

Fikirka Madaxweynaha ka qabo hannaanka dowladnimo waa mid aad uga fog kan ku qoran dastuurka iyo buugaagta cilmiga siyaasadda iyo dowladnimada. Madaxweynaha wuxuu sheeganaya in loo doortay inuu ahaa dowlad yaqaan waaya araga ah. Arrintaas waa sheegasho cusub oo dad badan horey ula socon.

Dastuurka iyo Sharciga doorashada waxay dhigayaan in Barlamaanka Federaalka dooranayo Madaxweynaha JFS. Madaxweynaha Soomaaliya xisbi kama imaanayo.

Biyo dhaca doodda Madaxweynaha ee dowlad wanaag waxay tahay in Madaxweynaha, RW, Guddoomiyaha Barlamaanka ku heshiiyaan inay u shaqeeyaan sida maafiyada oo keeneysa xasillooni siyaasadeed taaso ka soo horjeeda habka ku tilmaamay dastuurka kmg iyo nidaamka dowladeedka ee dimoqradiga ah. Xasilloonida siyaasadeed kama timaado Madaxweynaha iyo RW ku heshiiyay inay dal afduub ku haystaan. Waa arrin ku xiran ku dhaqanka iyo dhawrista dastuurka sharciga iyo wax qabad dowladeed ee ku dhisan hufnaan iyo horumar.

Wareysiga Madaxweynaha wuxuu ishaaraya in shacabka Soomaaliyeed dhegeystaan raacaan tusaalaha iyo fikradaha Madaxweyne Farmaajo ka soo baxaya. Hadalka Madaxweyne Farmajo waa in loo hogaansamo sharci iyo sharci darro.

WQ. Dr. Maxamud M. Ulusow