Wareysi Murashax Xasan Maxamud ee VOA – Somaliya.

Reading Time: 2 minutes

Xasan Shekh ayaa wareysi dhinacyo badan taabanay siiyey VOA-da laanteeda Afka Somaliga, iyadoo maalinta berri ah loo ballanasan yahay doorashada madaxdweynenimo ee Somaliya 15ka May 2022. Xasan Sheekh oo horay madaxweyne dalka uga soo noqday 2012-2016 ayaa waxaa uu sheegay qodobo muhiim u ah dowladdhiska Somaliaya.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inay isku xeran yihiin hawlaha in laga qabtaa ay  tahay Somaliya oo ay iswada saameynayaan isagana ay hortabyo u kala leeyihiin.

Musharrax Xasan oo u muuqday inuu fahamsan yahay:

  1. Waxa loo baahan yahay in la qabto taas oo uu dad badan I a wadaago.
  2. Hasa yeeshe waxaa uu kaga duwanaa Sida loo qabanayo, tan oo aan ku xususanno Hadal Caan ah ay tiri Hogaamiye Ingiris ah oo aad loo qadariyo Ms. Thatcher “ Tell me HOW, don’t’ tell what” waayo halka ay ku jirto guusha.
  3. Xasan waxaa uu shegay in wax badan lagu qaban karo oo kaliya wadar ogol Somalinimo iyo isku qancin ku timaada wadahadal ee aan xoog ku iman Karin.

Marka laga soo tago Amaanka oo uu mar waliba mudnaanta koowaad siiyey waxaa uu sheegay in Garsoorka uu yahay xubin muhiim ah oo caddaalladda ay tahay waxa dadka Somaliyeed isu keeni kara oo cabsida dowladnimada laga qabaana ka bi’in kara waa garsoor cadaalad ah, waana uu dhisi donaa.

Federaalka ayuu isagana ku sheegay inuu leeyahay muhim weyn oo uu sameyn doono in ay shacbiga ka wada faa’iideystaan oo hoos loo daadejiyo. Tan oo u muuqata inay tahay hay’adaha federaalka dalka la baahiyo oo ay  ka jiraan magaalo kasta sida Maxakamadda Sare oo Kismaayo la geyn karo inay xaruun u noqto,  Hantidhowrka guud oo Garoowe degi kara ama Wasaaradda Maaliyadda xaruunyeeda oo noqon karta Hargeysa, waana aragti cusub oo looga dhaqmo waddamada dimoqradiyaadda si fiican uu gu dhaqma.

Arrinta Somaliland oo uu runtii si cajiib ah u dhigay oo uu yir horta koofurta waa inay iyada dhaqan ahaan iyo nidaam midowdaa kadibna ay mowqif midyesan ka yeelataa, iyadoo walaalaha  Somaliland mar waliba aan shuruud lagu xereyn dhaqaalaha, arrimaa Bulshada ama caafimaadka iyo horumarka guud iyo  isla markaan ay sheegtaan doodda Goonni iisu taagga laguna fogeyneyn doonin.

Xasan waxaa uu muuqdaa inuu yahay qofka ugu cadcad inuu soo nqon doono mar kaan waayo khibaradiisa, habdhaqankiisa iyo aragtiida nabaeyn iyo iscafin oo taabaneysa qalbiyada dad bada oo aaminsan inaan lagu mashquulin tagto aan wax badan ku soo kordhineyn horumarka iyadoon caddaaladda laga tageyn.

Halkaan ka daawo wareysiga.