Wareegto Uu Soosaaray Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Dalka Oo Shaqada Looga Joojiyay Kaaliyeyaal Ka Kala Tirsan Maxkamadaha Darajada 1-aad Iyo 2-aad

Reading Time: < 1 minute

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka ayaa shaqadii looga joojiyey hawlwadeeno ka kala tirsan maxkamadaha Darajada 1-aad iyo 2-aad.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garaqaan Baashe Yuusf Axmed ayaa shaqo joojin ku sameeyay kaaliyeyaal gaaraya 9 xubnood oo ka hawlgala Maxkamadaha degmooyinka, Gobolka iyo Rafcaanka.

Shaqo joojinta ayaa timid kadib markii ay badatay cabashooyinka ay ka soo gudbiyeen dadweynaha u soo doonta adeega cadaaladeed oo loogu shaqeyn waayay sida sharcigu qabo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ew dalka ayaa ku qancay soo jeedinta Guddoomiyaha Maxkamada Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi.

Sidoo kale guddoomiyaha Maxkamadsa Sare ee dalka ayaa ka jawaabaya ballan qaadkiisa oo ahaa inuu dib u habayn dhamaystiran ku samayn doono Garsoorka markuu la wareegaayay Xilka iyo ka jawaabista baaqii Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ee ahaa inuu soo dhisayo Garsoor hufan oo ku shaqeeya Cadaalad.

Sida lagu sheegay qoraalkan oo ka soo baxay Maxkamadda sare ee dalka waxaa socda baaritaan lagu sameeynaayo kaaliyeyaasha shaqada laga joojiyay.