Wareegto Kasoo Baxday Xafiiska R/wasaare Kheyre Oo Shaqada Looga Joojiyay Mid Kamid Ah Wasiirada Xukuumada Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Somaliya Xasan Cali Khayre, ayaa shaqo Joojin ku sameeyay Wasiir kuixgeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliya Maxamed Khaliif Diiriye .

Shaqa joojinta, ayaa timid kadib markii uu dalab ka yimid Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir.

“R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shaqa joojin ku sameeyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga kadib codsi uga yimid Xeer ilaaliyaha Qaranka.

Majirto faahfaahin intaasi ka dheeri ah, wuxuuna noqonayaa Wasiir kuxigeenkii 2-aad ee uu shaqo Joojin ku sameeyo Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre, ayaa horay shaqada uga joojiyay Wasiir Ku xigeenka Arrimaha dibadda Somaliya oo arrimo musuq maasuq ah lagu eedeeyay.