Warbixnta QM ee Kormeerka oo warbixinteeda uga hadlaysa Fahad Yasin iyo lacagaha uu ku lunsaday magaca Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Waxaa la filayaa in bisha Sabtembar ee sanadkan ay si rasmi ah u soo bixi doonto warbixntii sanadlaha ahayd ee Hay’adda Baarintaanka iyo Kormeerka ee Soomaaliya iyo Eritereeya ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano SEMG . Qoraalka sanadkaan oo wax badan lagu xusi doono ayaa waxa si gaar ah uga hadli doontaa Fahad Yasin iyo doorka uu ku leeyahay Siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan isticmaalka hantida loogu deeqay Soomaaliya. Dhowr bog oo ka mida warbxinta ayaa si faah-faahsan uga hadli doonto Fahad Yasin.

Mid ka mida Dublamaasiyiinta ka sheqeeya Soomaaliya ayaa u sheegay MOL “hadii aan aniga ahaan lahaa Fahad Yaasin waan ka carari lahaa Soomaaliya inta aan qoraalka loo gudbin Golaha Amaanka”. Dareenkaan ayaa ah mid ay ka siman yihiin dhamaan wadamada geeska Africa iyo deeq bixiyayaasha taageera Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr mar balan qaaday in uu fasixi doono Fahad Yasin, laakiin waxaa cid kastaa og tahay in Fahad yahay milkiilaha Farmaajo.