Warbixinta Hay’adda Kormeerka iyo Cunaqabateynta (SEMG) oo Dowladda Farmaajo eedayn culus dusha kala kor dhacday

Reading Time: < 1 minute

Waxaa dabayaqada asbuucii hore loo gudbiyay Golaha Amaanka warbixintii sanadlaha ahayd ee ay soo saari jirtay Hay’adda Qaramada Midoobay ee Kormeedka iyo Cuunaqabataynta Soomaaliya ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano SEMG. Warbixinta Sanadkaan oo dhowr mar dib loo dhigay codisyo ka yimid wadamo gaar ah oo ay ku jirto dowlada Maraykanka ayaa sanadkaan waxa ay diiradda lagu saaray Musuqa dowladda Farmaajo, gaar ahaan dhanka Ciidanka iyo Hay’adaha Amniga.

Mid ka mid dublamaasiyiinta ka howl gala Somaliya ayaa  u sheegay  MOL in warbixinta la hor keenay Goalaha Amaanka ay tahay mid aad u culus kana hadlaysa  arimo badan oo ay ku jiraan arimaha amniga, taageeradda Al Shabab, musuq-maasuqa. Dhoofinta Dhuxusha  iyo ku tagrifalka deeqaha hubka ee Somaliya loogu deeqay.

Sidoo kale warbixinta ayaa diiradda lagu saari doonto Agaasime ku Xigeenka Hay’adda Sirdoonka Qaranka (NISA), Fahad Yasin oo lagu haysto danbiyo farabadan. Mid ka mid shaqalaha Hay’adda Qaramadda Midoobay ee ka howgala Somaliya ayaa isna yiri “ .. MW Farmaajo si uu uga hortago  ceebta iyo karaamo daradda ku soo wajahan dowladiisa , waxaa ay ku fiicnaan lahayd in uu dib uga fiirsado xiriirka kala dhaxeeyo Fahad Yasin”.

Warbixinta oo buuxda waxaa la soo bandhigi doonaa dabayaqada bisha Obtoobar.