Waxaa maanta la filayaa in uu soo gaba-gaboobo waxa RW Rooble uu ku sheegay gudi baarayo “Afganbigii 27ka Disember”. Gudigaan ayaa maanta diyaarin doona warbixntooda kaas oo la horgeyn doono kulanka Golaha Wasiirada ee berito.
Sida MOL loo xaqiijiyay, talo soojieedinta gudiga ayaa waxa ka mid noqon doonta in Farmaajo laga mamnuuco in uu ka mid noqdo musharaxiinta ku tartamaysa doorashada xilka madaxweynaha, isla markaana loo furo gal dacwadeed lagu soo oogayo Farmaajo in uu galay danbi Qaran.
Talabaadan uu qaadayo Rooble ayaa waxa ay wax ka badali doontaa xaalada siyaasadeed ee cakiran ee ka jirta dalka Soomaaliya. Waxa aan wali cadeeynin talabaada uu qaadi doono Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday.