Warbixin sheegtay in Al Shabab sanadkii hore Soomaaliya ku dileen dad badan

Reading Time: < 1 minute

Dagaalka aan la iclaamin ee Mareykanka ayaa noqdey isha koowaad ee hormuud u ah colaadda ka oogan dalka Soomaaliya, sida lagu caddeeyay warbixin ay daabacdey Jaamacadda Brown University ee ku  taal dalka Maraykanka.

Warbixintan salka ku haysa daraasad ay sameeyeen in ka badan 30 khuburo macalmiin heer sarre ah ah kuwaasoo ka shaqeynaya mashruuc loogu magac-daray “Khasaaraha Dagaalka”.

“Maraykanku si fudud ugama qayb qaadanayo iska-hor-imaadka Soomaaliya, balse, waxa uu noqday mid udub dhexaad u ah sii socoshada colaadda Soomaaliya ee lama huraanka ah,” ayay tiri Afarọlá Ànúolúwapọ Sóyemí.

Dhanka kale, tirokoob ay sameysay Pentagon-ka ayaa sidoo kale waxay caddeynaysaa kororka colaadda gaar ahaan weeraradda ay geysteen maleyshiyaadka Al-Shabaab laga bilaabo 2021 ilaa 2022.

“Isbeddelka ugu caansan ee Soomaaliya sannadkii la soo dhaafay wuxuu ahaa kororka 133 boqolkiiba heerka dhimashada ee lala xiriirinayo rabshadaha kooxaha Islaamiyiinta ah, oo ay ugu horreeyaan al-Shabaab,” sida lagu sheegay warbixin bishii Febraayo kasoo baxdey Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiyadeed ee Afrika.

Africa Center for Strategic Studies waa waax cilmi-baaris oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka, waxaana ay sameysaa tirokoob guud oo ku saabsan weerarada argagixisadda.

Weerarada loo adeegsado walxaha qarxa ayaa sidoo kale kor u kacay 34 boqolkiiba, waxaana tirada guud ee geerida ee lala xiriiriyay Al-Shabaab ay gaartey 2,606 qof 2022-kii xilli 6,225 ay ahayd 2021-kii.

“Weerarada Al-Shabab ayaa kordhay boqolkiiba 60 tan iyo 2017, taasoo ka dhigaysa tira-koobkii dhowaan la sameeyay inay la jaan qaadayaan isbeddellada mustaqbalka fog,” ayuu wariyey wargeyska The Intercept.

Mareykanka ayaa bilaabay howlgalada ka dagaalanka argagixisadda Soomaaliya 2007-dii xilligaasoo ay si weyn usoo shaac-baxeen kooxaha xagjirka ah ee gacan-saarka la leh shabakada argagixisadda ah ee Al-Qaacida.