Warbixin:-Muqdisho Online oo 19-July ka Digtay Weeraro lagu Qaadi Karo  Xarumaha Degmooyinka,Sida Howl-wadaag iyo Yaaqshiid(Shalayna Qarax ayaa ka dhacay )

Reading Time: 2 minutes

Warbaahinta ayaa waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay isha ogaan-karta qatarta bulshada kusoo wajahan oo ay tahay in looga digo si aysan ugu kadsoomin amaba waxyeelo uga soo gaaran,iyadoo laamaha amniga kolkaasi  ku boorineeyso Halka Habacsanaantu ka jirto.

19-kii Bishii July Ee Sanadkaan Ayeey Muqdisho Online Daabacday Warbixin Kooban oo la xariirtay Qatarta amni ee ka jirta Xarumaha Degmooyinka Gobolka Banaadir inagoo Kolkaasi Tusaale usoo qaadanay Degmooyinka Howl-wadaag iyo Yaaqshiid kuwaasi oo aan Ogaanay Habacsanaan Weeyn oo ka jirta.

Warbixintii aynu kolkaasi ka qornay ayaa waxaa ay aheed mid lagu xasuusinaayay bulshadda iyo Masuuliyiinta Dowladda in qatar nuucaas ah ay jirto islamarkaana Argagaxisadu soo maleegi kareeyso falal shacabka lagu waxyeeleeyn karaayo.

Sida aad ka arki kareeyso Qoraalkaan aan soo jarnay oo ka mid ahaa Paragraph-yadii warbixinta waxaan tilmaamay in ilaalada Xarumaha ay aad u liitaan islamarkaana loo baahan yahay in la xoojiyo,sida looga hortago Weerarada Al-shabaab.

Shalay oo Bishu 2-aheed qarax xoogan oo laga maqlay qeeybaha kala duwan ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay Xarunta Degmada Howl-wadaag kaasi oo dhaliyay Qasaaro iskugu Jira Dhimasho iyo Dhaawac,soo gaartay Dad rayid u badnaa.

                    Halkaan ka Aqriso Wararkii shalay laga Daabacay Qaraxaasi.

Muqdisho Online ayaa waxaa ay mar-walbo u taagan tahay in ay idiinsoo gudbiso Warar xaqiiqo ah iyo xog dhab ah oo ay u dheertay Ifinta Halbeegyada Bulshada laga wareemi karaayo.

                Aqriso Warkii aynu Daabacnay 19-KII July

Hay’adda Dowladda ayaa aad looga dhaliilaa in aysan Eegin Hadalada Bulshada oo ay dhagaha ka fureeystaan,waxaana la aaminsan yahay in hadii Hay,adaha amnigu bulshada qeeybaheeda kala duwan la shaqeeyaan in Laga Hor-tagi karaayo Falalka Maalin walbo lagu Baabi’inaayo Dadka shacabka ah