MW Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada Jubbaland wafdi ka socday Beesha Caalamka oo uu hogaaminayay Wakiilka Gaar ah Xog’hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane James Swan.
James Swan ayaa horay u soo kaxeeystay xubno ka socday r goboleedka IGAD, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale.
Dhinaca Dowlad Goboleedka Jubbaland waxaa Madaxweyne Axmad Madoobe ku wehelinayay kulankanka Madaxweyne ku xigeenada, Wasiirada Arimaha Gudaha iyo Wasiikrka Amniga.
Kulankan ayaa ahaa mid ay codsatay beesha caalamka ayaga oo doonayay in ay kala hadlaan hoganaka Jubbaland geedi socodka doorashada Jubbaland iyo sidii ay u noqon laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, lagana fogaado waxkasta oo keenaya fawdo iyo amni darro.
Soo dhaweynta wafuuda ka dib ayaa waxaa hadalka qaatay Mudane James Swan, nuxurka hadalkiisu waxa uu ahaa;
- Beesha Caalamka iyo guud ahaan hay’adaha caawiya Dowlad Goboleedka Jubbaland waxa ay ku amaanayaa madaxda Jubbaland iyo gudiga doorashada Jubbaland shaqada ay qabteen, gaar ahaan sida nabada leh ee loo maamulay doorashada Jubbaland ilaa iyo hadda.
- James Swan waxa uu soo bandhigay sadax codsi oo uu ka dalbaday madaxda Jubbaland in ay tixgaliyaan hadii ay suuragal tahay
- 1) In wax laga badalo sharuudaha doorashooyinka si musharaxiinta aan horay isku diiwaan galin oo hada diyaarka ah u in ay isdiiwaan-galiyaan ay uga qayb galaan doorashada. James Swan ayaa sheegay in sharuudaha la badalaya ayan ahayd kuwa assaasiga ah ee waa kuwa fudud. Hadalka James Swan ayaa u ekaa in uu raadinayo in Maxamed Cabdullahi Oomaa oo loogu diiday doorashada sababtoo ah naag ajnabi ah ayuu qabaa loo fududeyo in uu ka soo qaybgalo doorashada.
- 2) In Doorashada dib looga dhigo maalinta Insiinta oo ku beegan 19ka Bisha Agoosto oo dib loo durjiyo si musharaxiinta rabto in ay qayb ka noqoto doorashada uga qabgalaan.
- 3) iyo in aan wax dagaal ama ayan gacan ka hadal ka dhicin degaanka Jubbaland taas oo salka ku haysa doorashada Jubbaland.
Markii hadalka ka soo wareegay Mudane James Swan, ayaa waxa hadlay hogaanka Jubbaland oo mid mid uga jawaabay codsiyadii uu soo jeedyay James Swan
- Waxa ay madaxda Jubbaland oo wada joogay u sheegayeen James Swan in Jubbaland leeyahay sharuuc iyo hay’ado ilaaliya sharuucdaas sidaas darteedna ay go’aanada lagu maamulayo doorashada ayan ahayn mid ay madaxda Jubbaland oo kali ah wax ka badali karto.
- MW Axmad Madoobe ayaa dhankiisa u sheegay in uu yahay Musharax sidaas darteedna uusan wax awood ah oo wax kaga badali karo go’aanada ay qaateen gudiga doorashada madaxa banaan ayan jirin.
- MW Axmad Madoobe ayaa kula taliyay James Swan in uu la kulmo oo codsiga ka yimid dhankiisa u sheego Gudiga Madaxa Banaan ee doorashda Jubbland in ay wax ka badlaan qaabka ay u dajiyeen doorashada, hadii ay ogolaadan in ay wax ka badalaan MW Axmad Madoobe waxa uu sheegay in uusan ka hor-imaanaynin oo uu aqabali doono.
- Qodobka sadaxaad ee James Swan dalbaday ayaa waxa loo sheegay in ayan jirin doonin wax layiraahdo dagaal, foowdo iyi gacan ka hadal, Jubbaland waxa ay soo martay xaalado aad u xun oo boqolaal kun horay ugu dhimateen, shacabka iyo hogaanka Jubbaland marnaba ma ogolaan doonaan in dagaal ka dhaco Kismaanyo. Waxaa loo xaqiijiyay in doorashada Jubbaland ay ku dhici doonto si nadab ah, madaxda Jubbaland ay sameyn doonaan dulqaad kastaa ee baajin kara in dhiig reer Jubbaland ah daato
Mudane James Swan oo ay ka muuqato in uu ku qancay sida looga jawaabay su’aalihi la weeydiiyay ayaa u sheegay in uu la kulmo doono qaybaha kala duwan iyo dadka ay qusayso doorashada Jubbaland inta uusan maanta galinka danbe ku noqon magaalada Muqdisho.