Warbixin dheeraad ah oo ka soo baxday shil gaari oo ka dhacay Gobolka Bari

Reading Time: < 1 minute
Sawirka gaariga shilka galay

Ugu yaraan 5-qof ayaa ku geeriyootay 10-kalana waa ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay tuulada Mareero oo dhanka galbeed ka xigta magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Goobjoogayaal ayaa  u sheegay MOL  in gaariga shilka galay oo ka yimid magaalada Boosaaso kuna sii jeeday dhanka degaanka Laag oo qiyaastii 30 km u jirta Boosaaso ay ku dhinteen ilaa 4 ruux halka ay ku dhaawacmeen 10 ruux oo kale.

Dadka dhintay ayaa lagu sheegay arday ka tirsan iskuulka Ugaas Yaaasiin ee magaalada Boosaaso kuwaasoo gaarigu u waday degaanka Laag balse ilaa iyo hadda lama xaqiijin waxa shilkaan dhaliyay. Ardayda gaariga saarnaa ayaa dhiganayey fasalka 4aad (Form four) ee iskuulka Ugaas Yaasiin oo ku yaalla degmada Boosaaso.