Warbixin: Bakool oo laga soo werinayo xaalad Bini-aadanimo tii ugu adkeed

Reading Time: < 1 minute

Gobalka Bakool oo ka kooban 5 degmo ayaa laga soo werinayaa in 3 kamid ah ay ka jirto xaalad bini’aadanimo oo aad udaran, kadib markii ay Al-shabaab kordhiyeen cunqabateynta dhinaca dhulka ah oo ay ku soo rogeen degmooyinka Waajid, Ceel-barde iyo Xudur.

Muddo laga joogo 8-sano ayey Al-Shabaab go’doon geliyeen degmooyin ka kala tirsan gobollada Bakool, Bay iyo Hiiraan, hase yeeshee 6-dii bil ee ugu dambeysay ayey Al-Shabaab xoojiyeen go’doonka ay geliyeen shacabka ku nool gobolka Bakool, waxeyna KNN ogaatay in arintaan ay ka dambeysay laba arrin oo kale ah.

Shacabka gobolka Bakool ee ku nool degmooyinka ay maamusho dowladda waxay u qeybsameen laba dhinac oo kala ah, qaar u go’ay dowladda oo aan haba yaratee wax macaamil ah la laheyn Al-Shabaab iyo qaar aan labada dhinac midna u go’in oo isaga baxay gobolka, si ay u helaan nolal u dhaanta tan ka dhalatay go’doonka Bakool.

Arrinta kale ayaa ah in dowladda Soomaaliya ay ciidan tiro yar oo gaadiidka ka soo galbin jiray soodinta gobollada Bakool iyo Hiiraan ay u qaaday gobalka Gedo, sida ay sheegeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo dadka deegaanka.