Duqeyn diyaradeed ayaa habeenkii xalay waxa uu ka dhacday deegaanka Kuunyabarow ee gobolka Shabeellada Hoose, taas oo laguy burburiyay xarunta Idaacadda Al-Shabaab ee loo yaqaan Al-Furqaan. Sida ay sheegeen dadka ku dhaqan deegaankaas, Duqeyntaas oo aheed mid culus ayaa waxaa la soo sheegaaya in ay ka dhasheen khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana fuliyey diyaaradaha aan duliyaha laheyn, kuwaas oo illaa hadda aan la ogaan dalka laga leeyahay.
Ururka Argagaxisa ee Al-Shabaab ayaa baraha ay internet-ka ku leeyihiin waxay ku baahiyeen in mid kamid ah diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay afar Gantaal ku weerartay xaruntii Idaacadda Al-Furqaan ee ku taallay degaanka Kuunya-barroow. Al-Shabaab waxay sheegeen in duqeyntaas ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah. sidoo kalena burbur baahsan uu soo gaaray xaruntii Idaacadooda.
Ilaa iyo hadda majirto cid weli sheegatay duqeynta lala beegsaday xarunta Idaacadda Al-Shabaab ee Al-Furqaan ku laheyd deegaanka Kuunya-Barrow, hayeeshe duqeymaha noocaan oo kale ah ayaa waxaa inta badan fuliya diyaaradaha Mareykanka, kuwaas oo taageera siiya ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Mareykanku tababaray ee kumaandooska Danab.