Wararkii ugu Danbeyay ee Weerarkii Lagu Qaday Xerada Imaradka ay tababarka ku siin Jiren Ciidanka Dowlada ee Jeneral Gorod

Reading Time: < 1 minute

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay Agagaarka Xeradda Generaal Goordan ee degmada Hodon oo dhawaan dowladda ay sheegtay in kala wareegtay Imaaraadka Carabta masuuliyada Xeradaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamaddii dowladda Imaaraadka Carabta ay tababartay ayaa xaqiijiyay in Weerar ay kusoo qaadeen ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed.

Iska hor imaadkaan wuxuu ka dambeeyay, kadib markii saaka ay halkaasi tageen Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo ka baxay Wasaaradda Gaashaandhigga , islamarkaana ay isku dayeen in ay la wareegaan agab iyo saanad Ciidan ay la hayeen ciidamadii halkaasi ku sugnaa.

Ciidanka Milatariga aya la shegay in ay isku dayeen in ay la baxaan Saanad ciidan iyado gabi ahanba ay istaagen Dhaqdhaqaaqa agagaarka Xareda Jeneral Gorod.

Waxa lala yaaban yahay sababta rasmiga ah ee ka danbeysa in Ciidamada Milatariga Dowlada ay weerar ku qaadan Xerada ay Ciidamada Imaardka ku tababari jireen Ciidanka Dowlada ee Jeneraal Gorod.