Wararkii ugu Danbeyay ee Dagaalkii Ka Dhacay Deegaanka Qooqaani Yaa Ku Sugan Hada!

Reading Time: < 1 minute

Ciidamadda Maamulka Jubbaland iyo kuwa Kenya ayaa dib ula wareegay deegaanka Qooqaani oo hoostaga Degmada Afmadoow ee Gobalka Jubba Hooose oo shalay Al-shabaab ay dagaal kula Wareegeen.

Ciidanka Jubbaland oo ay taageerayeen Militariga Kenya ayaa dagaal Rogaal celis ahaa kula Wareegey deegaanka Qooqaani oo muddo saacado ah ay maamulayeen.

Gudoomiye Dhaqani ayaa sheegay in dhankooda aysan khasaaro ka soo gaarin dagaal dib loogu qabsaday Deegaanka Qooqaani, balse ay arkeen meydadka rag ka tirsanaa Al-shabaab oo yaala Deegaanka uu dagaalku ka dhacay.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!