Reading Time: < 1 minute

Waxaa caawa mar kale dib u bilowday shirka looga hadlayo hannaanka doorashada oo u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kaasoo shalay illaa xalay Madaxda ay ku maqnaayeen fasax iyo la tashiyo ay la soo yeelanayeen dhinacyada kale, iyagana si gaar gaar ah isu arkayeen.

Shirka caawa ayaa waxaa ku soo biiray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo loogu yeeray inuu qeyb ka noqdo wada hadalada.

Sidoo kale waxaa shirka qeyb ka ah Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Madaxda Dowlad Goboleedyada ay weli ku adkeysanayaan qodobada kala ah:

In aanay doorashadan maamulin Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaran, taas bedelkeed la sameeyo Guddi heer federaal iyo heer dowlad goboleed,

In doorashada aanan xisbi lagu gelin

In deegaanada doorashada aanay ka badan 2 deegaan, tirada ergada laga dhigo 101 illaa 150 ergo.

Si kastaba ha ahaatee Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa intooda badan isku dhinac noqday, iyadoo xitaa Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed oo wax ka saxiixay heshiiskii Dhuusamareeb 3 ay doonayaan in wax laga bedelo qodobaad.