Wararkii ugu danbeeyay iska hor imaad ciidan oo ka dhacay Laascanood

Magaalada Laascanood oo ciidamo kala duwan ku sugan yihiin  ayaa waxaa la sheegaya in xalay  halkaasi uu iska hor imaad kooban ku dhexmaray askar ka wada-tirsan ciidamada Somaliland.

Iska hor imaadka dhexmaray askartaasi ka wada tirsan ciidamada Sonaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in uu ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa ciidanka loo yaqaanno RRU-da ee sida gaarka ah u tababaran.

Bulshada ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaalada Laascaanood ayaa fiidnimadii caawo maqlay rasaas culus oo ka dhacaysay dhanka bari ee magaalada waxaana markii dambe la xaqiijiyay in ay ahayd iska hor imaad u dhexeeya ciidamada Somaliland dhexdooda.

Taliyaha ciidanka Somaliland ee ku sugan degaankaas ayaa saxaafadda u sheegay in si qalad ah ay ciidanku isugu dhaceen laakiin la xaliyay.

Xayeeysiin