Wararkii ugu danbeeyay Dagaal iyo Duqeyn ka socota magaalada Laascaanood

Reading Time: < 1 minute

Dagaal culus ayaa ka socda magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, waxaana magaalada ku dhacay madaafiic qasaare badan geysatay.

Dadka degaanka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar ay ciidamada Somaliland ku soo qaadeen magaalada, iyagoo doonaya inay ka hortagaan go’aanada shirka odayaasha SSC ee ka socday magaalada Laascaanood oo looga dhawaaqay inay degaanadaasi ka mid yihiin dowladda Federaalka.

Madaafiic ay ciidamada Somaliland ku rideen magaalada ayaa la sheegay inay ku dhinteen dad shacab ah, waxaana lasoo weriyay in ilaa 7 qof ay ku dhinteen Laascaanood oo ay ka mid yihiin hooyo iyo caruur ay dhashay, halka qasaare kale, kala gaartay ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka.

Taliska Somaliland ayaa dhinacooda sheegay in saaka ay soo weerarreen maleeshiyo ay ku tilmaameen argagixiso, ayna iska caabiyeen, iyadoo xaaladda dagaalka aanay weli kala caddeyn.

Baraha bulshada ayaa waxaa ka socda olole dagaal, baahino iska horjeeda iyo muuqaallo ku saabsan qasaaraha dagaalka oo dhincyada ay baaihnayaan.