Wararkii ugu danbeeyay dabkii xalay ka dhacay suuqa Bakaaraha (Sawiro)

Reading Time: 2 minutes

Faah faahini dheeraad ah ayaa laga helayaa dab xooggan oo xalay fiidkii ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo daminta dabkaasi ay qaadatay saacado dheer. Wararka la helayo ayaa sheegaya in dabka oo markii hore ka kacay qaybta maacuunta uu ku fiday dhismayaal iyo goobo kaloo ganacsi oo isla suuqaasi ah.

Gawaarida dab damiska ee gobolka Banaadir iyo kuwo si gaar ah ganacsatadu u leedahay ayaa ku guuleystay iney dabka damiyaan, waxaana suuqa tagay mas’uuliyiin uu ugu sareeyay Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenka Maamulka & Maaliyadda Gobolka Banaadir, Ciise Maxamud Guure.

Ciidamadda amaanka ayaa sugayay amniga gudaha suuqa iyo hreerihiisa, waxaana inta ay howsha daminta dabka uu socday la fasaxay socodka Mootooyinka oo istaagta habeenkii marka la gaari 12:00AM ee saqda dhexe.

Waxaa jiro khasaare hantiyadeed oo aad u badan oo uu dabka sababay, balse wali tirakoob rasmi ah lagama soo saarin xadiga khasaaraha. Si kastaba, Suuqyada ku yaala magaalooyinka waaweyn ee dalka ayaa waxaa ku badan dabka ka kaca goobaha ganacsiga, iyadoo uuna dabku gaysto burbur hantiyadeed oo ballaaran.

wararkii u danbeeyay dabkii xoogganaa ee xalay burburiyay ganacsiyo ku yaala suuqa bakaarahawararkii u danbeeyay dabkii xoogganaa ee xalay burburiyay ganacsiyo ku yaala suuqa bakaaraha