Wararkii ugu dambeeyay Weerarkii xalay ka dhacay Muqdisho!!

Reading Time: < 1 minute

Weerarkaan ayaa Xalay fiidkii waxa uu ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir, kadib markii rag hubeysan ay weerareen Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda.

Ragga hubeysan oo watay gaari nooca raaxada ah ayaa waxaa ay weerareen Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda oo lagu Magacaabo Caddaan Cali Maxamed, waxaana weerarkaas ku dhaawacmay sarkaalka,sidoo kalena uu ku dhintay mid ka mid ah Dhalinyarada degmada Kaaraan oo la socday.

Ilo deegaan ah  oo ku sugan degmada Kaaraan ayaa soo sheegaya in sarkaalka xilliga la weerayay uu marayay inta u dhaxeysa Isgoyska Jiirada iyo Saldhiga degmada Kaaraan,isla markaana dadkii weerarka ka dambeeyey ay baxsadeen.

Wararkii ugu dambeeyey ee haatan aan ka heleyno degmada Kaaraan ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada booliska degmadaas ay wadaan howgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey weerarka ka dhacay degmada Kaaraan.