Waxaa faahfaahino dheerad ah ay kasoo baxayaan qarax gaari oo caawa Makhribinimadii ka dhacay afaafka hore ee maqaaxida The Village oo ku taalla nawaaxiga Isgoyska Banaadir.
Qaraxaani oo jugtiisa laga maqlay meelo badan oo Muqdisho kamid ah ayaa waxaa loo addeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo kolsii horeysay la dhigay Baarkin gaadiidka la dhigto oo ku yaalla afaafka hore ee Maqaayadaasi.
Wararka MOL ay heleyso ayaa sheegaya in ilaa Labbo ruux ay qaraxaasi ku dhaawacmeyn, waxaana loola cararay isbitaal halkaasi oo wax looga qabanayo xaaladooda caafimaad.
Waxaa goobtaasi oo uu qaraxa ka dhacay gaaray laamaha amaanka oo xiray waadooyinka gala kana baxa Maqaayadaasi.
Maqaayada the Village ee Magaalada Muqdisho ayaa sidaan oo kale waxaa lala beegsaday qaraxyo is miidaamin ah, waxaana masuuliyada qaraxyadaasi sheegtay Shabaab.