Wararka Caawa naga soo gaaraya Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in mid ka mid ah koontoroolada laga soo galo Magalada Bambaanooyin lagu weeraray.
Inta la xaqiijiyay 4 Ruux ayaa bambaanooyinkaas ku dhaawacantay oo Saddex ka mid ah ay yihiin Ciidamo booliska ee koontoroolkaas Gaadiidka ku baarayay.
Dadkii ka dambeeyay Weerarka bambaano ayaa goobta ka baxsaday,waxaaana haatan socda howlgal ay wadaan Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed,kaas oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weerarkaas.
Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa bambaanooyin lagu weerar Hoyga uu Magalada Bayhabo ka degan yahay Xildhibaan hore uga tirsanaa Baarlamaankii KMG ahaa.
Magalada Baydhabo ayaa amaankeeda aad loo adkeeyay,waxaana dhawaan la filayaa inay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo dhowr mar dib loo dhigay.