Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Gobolka Sool ku dhex maraya ciidamada maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa la sheegay inuu qasaare weyn dhaliyey.
Waxaa goor dhoweyd magaalada Laascaanood la gaarsiiyey ciidamo dhaawac ah oo la sheegay inay ka mid yihiin ciidamada Somaliland ee ka dagaalamayey aagga Tukaraq. Xaaladda ayaa weli cakiran iyadoo wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in dagaalka saaka oo bilowday Salaadii subax kadib 5:30 aroornimo uu dhaliyay qasaare baaxad leh.
Somaliland iyo Puntland ayaa mid waliba kan kale ku eedeeyay inuu dagaalka bilaabay, waxayna warbaahinta isu mariyeen eedeymo ku saabsan dagaalka.
Warar kale ayaa sheegaya in dhaawacyo iyo maxaabiis la gaarsiiyey magaalada Garowe, iyadoo ay jiraan ciidamo ka soo jeeda degaanada la isku hayo oo la sheegay inay isu dhiibeen kuwa Puntland.
HOOS KA DAAWO QAAR KA MIDA MAXAABIISTA