Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaali Lagu Dilay Koonfur Afrika

Reading Time: < 1 minute

Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay waxa ay weerar ku qaadeen Goob Ganacsi oo ay leeyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka koonfur Afrika.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika,waxaana la sheegay in burcada ay rasaas ku fureen goobta Ganacsi oo ay ku sugnaayen laba wiil,isla markaana rasaastii lagu furay ay ku dhacday halkaasna ay ku geeriyoodeen.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Muumin Xuseen Wehliye iyo Aweys Sheekh Cali, iyada oo markii dambe ay halkaasi meydadkooda ka qaadeen booliska Koonfur Afrika iyo qaar ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed.

Waxaa sii kordhaya Dilalka qorsheysan ee loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Ku nool Dalka Koofur Afrika.