Wararkii Ugu Dambeeyay  Siciid Maxamed Maqadeeye  oo Maanta Lagu Dilay Boosaaso!!

Reading Time: < 1 minute

Kooxo hubaysan ayaa maanta magaalada Boosaaso gaar ahaana aaga lagu magacaabo jiiro garoob ku dilay nin lagu magacaabo Siciid Maxamed Maqadeeye .

Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay in ay ku hubeysanaayeen Bastoolado,islamarkaana dilka ka dib ay goobta ka baxsadeen.

Marxuumka la dilay ayaa ka mid ahaa  iskaashatada gaadiidka Dadweynaha ee ka dhex shaqeeya xaafadaha Boosaaso .

Ciidamada Booliska ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana halkaasi ay ka bilaabeen howlgallo.

 

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!