Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in ku dhawaad 14-ruux ay ku geeriyootay Qarax gaari loo adeesgsaday oo uu kaxeynayay ruux isa soo miidaamiyay oo galabta ka dhacay Wadada Maka Almukarama gaar ahaan meel ku dhow Hotel Wehliye.
Afhayeen Wasaaradda Amniga C/casiis Xildhibaan oo warbaahinta kula hadlayay goobta Qaraxa uu ka dhacay ayaa sheegtay in ilaa iyo haatan ay ogyihiin geerida 14-ruux halka dhaawacana uu gaarsiisan yahay 6-ruux,kuwaasi oo ku sugnaa goobta Qaraxa uu ka dhacay.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qaraxa,iyagoona tilmaamay iney bartilmaameedsadeen goob ay isugu yimaadaan saraakiil Ciidan.xildhibaanno iyo siyaasiyiin katirsan dowladda Federaalka.