Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyo ka dhacay Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo goor dhaw ka dhacay degmada Boondheere gaar ahaan halka loo yaqaano Villa Rose oo u dhow Madaxtooyadda Soomaaliya.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ah mid si weyn loo ilaaliyo amnigeeda.

Goobta uu qaraxu ka dhacay  waxaa ka dhacaysa rasaas xooggan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay gudaha u galeen Hoteelka, islamarkaana hadda ay dagaallamayaan ciidankii ilaalada ka hayay iyo laamaha Amniga.

Hoteelkaan ayaa waxaa degan Masuuliyiin dowladeed oo ay ka mid yihiin wasiiro, Xildhibaano iyo lataliyeyaal.