Shiiq Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo hore uga tirsanaa xubnaha sare ee Al-shabaaab bilooyin kahorna ku soo biiray Dowlada Somalia ayaa waxaa uu maalmahaan dambe ku sugan yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Wararka ay Warbaahinta heleyso ayaa ku waramaya in Muqtaar Roobow uu magaalada Nairobi kulamo isaba joog kula leeyahay Saraakiil Mareykan ah oo ay kawada hadlayaan howlgallo dagaalamayaasha Al-shabaab looga saaro dhamaan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Somalia.
Shirarka looga hadlayo gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa Muqtaar Roobow iyo saraakiisha Mareykanka ah ku wehliya Taliyaha Nabad Sugida koonfur Galbeed Oo ah nin la dhashay Muqtar Roobow Abu Mansuur.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Roobow iyo saraakiisha Mareykanka ah ay Diirada saareen sidii mudo kooban looga saari lahaa Al-shabaab dhamaan deegaanada ay kaga suganyihiin koonfur Galbeed.
Koonfur Galbeed waa sadex Gobol Baay , Bakool iyo Shabeelaha hoose gobolkastana deegaano kamid ah ayay Alshabaab kaga suganyihiin.
Sanado badan ayaa ay Dowlada Soomaalia iyo maamulka koonfur Galbeed wadaan isku dayo Shabaab looga cirib tirayo deegaanada gobolada sadexda ah ee aan hore u soo xusay waxaase mar walba jiray caqabado hortaagnaa.
Howlgalka cusub ee Deegaanada koonfur galbeed ayaa waxaa la tilmaamayaa in ay Qeyb ka noqon doonaan ciidamo tiro ahaan badan oo u gaar ah Muqtaar roobow kuwaas oo mudadi uu ku sugnaa deegaanka abal ee G/ Bakool kula sugnaa
Dadka ku xeeldheer arimaha milatariga ayaa tilmaamay in dagaalka hada la qorsheynayo in Shabaab lagula gelo koobfur galbeed uu ka geidsan yahay dagaaladi hore taasi oo ay ku micneeyeen inuu dagaalka Wax ka hogaaminayo Shiikh Muqtaar Robow Cali Abuu Mansuur oo ah shaqi aad ukala yaqaana xubnaha Al-shabaab ,sida ay u dagaalamaan , iyo deegaanada ay ku dhuumaaleystaan kuna xooganyihiin intaba.
Sidoo kale Saraakiisha mareykanka ayaa lagu waramayaa in Roobow ay u balanqaadeen in ay duqeyn diyaaradeed ku fulin doonaan amarkiisa oo uu meelihi uu ku tuhmo shabaab gantaalo lala beegsan doono.
Caqabadaha hor gudbanaan kara ayaa waxaa sida la tilmaamay kamid ah Miinooyinka ay shabaab ku aasaan wadooyinka taasi oo ay saraakiishu ka baaraan degayaan sida looga gudbi karo.
Sikastaba Muqtaar roobow oo hore uga mid ahaa Xubnaha sare ee Al-shabaab iyo aas aasayaashaba ayaa tan iyo markii uu sanadki hore soo maday dhinaca dowlada Soomaaliya waxaa uu wadaa dedaalo dagaalamayaasha Al-shabaab looga sifeynayo Baay , Bakool iyo Shabeelaha Hoose oo intaba koonfur Gapbeed ka tirsan