Wararkii ugu dambeeyay Howlgalo laga sameeyay gobolka Sh-hoose (yaa lagusoo qabtay)

Reading Time: < 1 minute

Wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo, islamarkaana Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay isku fidiyeen degaano dhowr ah.

Saacaddihii lasoo dhaafay ayaa waxaa socday howlgalka lagu furayay wadooyin ay xireen Al-Shabaab sidda ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka Danab.

Ciidanka Danab ayaa sheegay in ay howlgallo ka waddaan degaanka Baladul Amiin iyo sidoo kale degaano kale oo ku yaalla gobolka Shabeellaha.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in howlgalkaan uu yahay mid horay loogu sii soconaayo degaano ay jooggaan Al-Shabaab.