Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Mooshinka iyo Fashil Cad oo Xukumadda soo Wajahay!!

Reading Time: < 1 minute

Dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay wadaan Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari ayaa ka soconaya magaalada Muqdisho, iyadoo uu sii xoogeystay is mari waaga ka taagan Mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari, kaasoo xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka ay ku dhawaaqeen inuu fashilmay

Qaar ka mid ah Xildhibaanada mooshinka keenay oo aan la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay inay yeelanayaan kulan ay uga jawaabayaan go’aanadii xalay ka soo baxay Xildhibaanada taageersan Jawaari ee ku dhawaaqay inuu mooshinka buray.

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ahna Wasiirka Dhalinyarada ayaa ku tilmaamtay hadalkii ka soo yeeray Xildhibaanadii xalay shiray inuu ahaa marin habaabin sharci ah, iyadoo ka dhawaajisay in mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari uu wali taagan yahay.

Waxaa ay sheegtay in aanay qofna u afduubnaan karin sharciga, isla markaana warka ka soo yeeray Xildhibaanadiii xalay shiray uu ka mid yahay marin habaabinta lagu sameynayo shuruucda dalka.

Marka Laga soo tago  Hadalada isku tuurtuurka ah waxaa la xaqiijiyay in uu si cad u fashilmay mooshinkii baadilka ahaa ee laga keenay Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari