Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tiro dhalinyaro ah u soo qabtay dilkii xalay xaafada Koodka ee degmada Xamar Weyne loogu geystay Muuse Mackow oo ka mid ahaa Ganacsatada suuqa weyn ee ku yaalla gudaha degmadaasi.
Koox ku hubeysan Bastoolado ayaa xalay Marxuum Muuse waxa ay ku dileen agagaarka xarunta Gobolka, kadib waxa ay ka baxsadeen goobta, sida dadka degaanka ay sheegeen.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in Marxuum Muuse uu Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ugeyn jiray cabitaanka noocyadiisa kala duwan iyo qudaarta isagana ka soo qaadan jiray Tufaaxa iyo Ukunta, uuna dhexmari jiray ganacsi.
Ciidamada ammaanka oo ku baxay falkan dilka ah ayaa sameeyay baaritaano, waxayna Ciidamada gacanta ku dhigeen tiro dhalinyaro ah oo looga shakisan yahay in ka dambeeyeen dilkaasi.
Raggii Ciidamada ay gacanta ku dhigeen ayaa waxaa la geeyay saldhiga Galbeed ee degmada Dharkeynley, si baaritaano loogu sameeyo, sida ay sheegeen saraakiisha Hay’adaha ammaanka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan oo xalay saq dhexe howlo shaqo u tagay xarunta CID-da ayaa booqday Meydka Marxuum Muuse oo halkaasi la geeyay, Eng. Yariisow oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ragga la soo qabtay ay baaris ku socoto, sharcigana la horgeyn doono hadii dambi lagu helo.
Wuxuu sheegay Ciidamada in jawaab deg deg ah ay ka bixiyeen dilka dhacay, isaga oo sidoo kale tilmaamay in si dhow hada ay u wada shaqeynayaan Taliyeyaasha Amniga iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka, si arbushaada looga hortago.
“Waxaan Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Ciidamada ammaanka uga mahadcelinayaa sida deg deg ah ee ay uga jawaabeen shaqaaqo yar oo ka dhacday Xamar Weyne, dadka dilkan loo soo qabtay baaris ayaa ku socota, arrintan waxa ay ka timid wada shaqeynta Taliyeyaasha iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka, shacabka waxaan ka codsaneynaa in ay la shaqeeyaan Hay’adaha ammaanka.” Ayuu yiri Eng. Yariisow.
Dilalka qorsheysan ayaa siyaabo kala duwan mararka qaar uga dhaca Magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda, inta badan dilalka nuucaan oo kale ah waxaa geysta ururka Al-shabaab.
Maalmahan dambe waxaa yaraa dilalka qorsheysan ee ay gaysan jireen Kooxaha Bistooladaha wata, kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kordhisay hawlgalada lagu sugaayo ammaanka caasimada Muqdisho.