Iyada oo sii xoogeesanayo qilaafka udhaxeeya Madaxda Galmudug ayaa Xildhibaan Cali dhuux oo ka tirsn Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug waxaa oo ka hadlay wax yaabaha sababay qilaafka, isgaoona eedeyn ujeediyay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey.
Xildhibaan Cali Dhuux ayaa sheegay in Maxamed xaashi carabey uu sababta qilaafkan isgaala lahaa waxuu sidookale xusay in mudo ka abadan 45 cisho uu ka maqana xarunta maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb.
Sidookale Xildhibaanka ayaa sheegay in Madaxweyne ku xigeenka ay xilka ka qaaden Xildhibaanada Galmudug markii ay arkeen wada shaqeen la’aanta udhaxeysa isaga iyo Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Xildhibaanka ayaa sheegay in dhawaan sidookale la dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo ay sheegen Xildhibaano ku shiray Dhuusmaareeb inay Xilka ka qaaden, isaga oo ku sugan Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Khilaafka udhaxeeya Madaxda Galmudug ayaa gaaray meeshii ugu sareesay, waxaana shalay gaaray Magaalada Dhuusamareeb Sanetaro ka tirsan Aqalka sare iyagoona bilaabay wadahadlo lagu xalinayo qilaafka halakeeyay Galmudug.