Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dilal kala Duwan oo Muqdisho ka dhacay!!

Reading Time: < 1 minute

Dilkan ayaa Maanta waxa uu ka dhacay xaafada Soonakey ee degmada Hodan gaar ahaan agagaarka Digfeer,waxaana la sheegay in la dilay Sheekh dhawaan yimid Xaafadaas.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Dalsan u sheegay in Ninkaasi ay dileen Rag hubeysan oo xirnaa dharka Ciidanka dowladda,isla markaana watay Gaari yar kadibna ay baxsadeen.

Waxa uu sheegay in xilliga dilka uu dhacayay ay aheyd saakay dadka intooda badana ay jiifeen,balse aan weli la ogeyn sababta loo dilay.

Hayeeshee uu sheegay in Ninkaasi sheekha ahaa uu ku cusbaa Xaafada,dhawaana mid ka mid ah Masaajida uu ka jeediyay Muxaadaro laakin aysan garaneyn waxyaabaha kale uu qaban jiray.

Si kastaba dilkaan ayaa waxa uu ka mid yahay dilalka sida joogtada ah mar walba uga dhaca Gudaha Magalada Muqdisho iyo degmooyinka kale ee dalka.