Wararkii ugu dambeeyay Dil naxdin leh oo ka dhacay Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Kooxo Hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay  degmada Xamar Jajab ee Muqdisho Ku dileen wiil dhalinyaro ahaa.

Dilka ayaa waxuu si gaar ah kaga dhacay Nawaaxiga Buundada Ceelgaabta ee degmada Xamar Jajab.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababa ka dambeeya dilka wiilkaasi dhalinyarada ahaa oo la sheegay xiliga dilka loo geysanayay inuu ka imaaday goob uu kusoo ciyaarayay, ciyaarta kubada Cagta.

Ciidamo katirsan dowladda ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay, kuwaa oo meydka wiilkaasi qaaday.

Ilo xog ogaal ah ayaa sido kale xaqiijiyay in wiilka la dilay horay sidaan oo kale loo dilay aabahiis, oo la sheegay inuu ahaa Nabadoon xirir la leh dowladda.

Wali majirto ilaa hada cid sheegatay mas’uuliyada.