Wararkii Ugu Dambeeyay Dil Caawa ka dhacay Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Warar goor dhaw nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegaya in Kooxo hubeysan ay Caawa fiidkii Xaafad ka tirsan degmada Xamar Jajab ee Gobolkan Banaadir ku dileen Nin ka mid ahaa dadka deegaanka.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay dilka uu ka dhacay Agagaarka  Buundada 1aad ee degmada Xamar Jajab.

Ninka la dilay Magaciisa lagu sheegay Cabduqaadir Cabdi, lamana oga waxa uu haa iyo asbaabta ay kooxda dilka geysatay u beegsatay.

Kooxihii ka dambeeyay dilkaas ayaa goobta ka baxsaday,waxana mas’uuliyadda dilkaasi sheegtay Al-Shabaab oo Baraha ay Wararka ku qoraan ku sheegay in uu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada Golaha Shacabka kusoo dooratay Magalada Baydhabo.

Maamulka degmada Xamar Jajab iyo laamaha Amniga Soomaaliya weli dilkaasi kama hadlin,hayeeshee waxa uu ka mid yahay dilalka ka dhaca Magalada Muqdisho.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!