Waxa magaalada Baledweyne goordhaw ka bilowday dagaal xoogan, waxana xaafadaha magaalada laga maqlayaa rasaasta hubka nuucyadiisa kala duwan iyadoo ay kasoo baxayaan xoga kala duwan.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka u dhaxeyo ciidama uu hogaaminayo sargaal lagu magaabo Nuur Dheere oo ka mid ahaa saraakiishii hogaamineysay ciidamadii Badbaadada Hiiraan iyo ciidama kale.
Wararka ayaa sheegaya inuu jiro qasaara soo gaaray dad shacab ah oo aan ka fogeyn goobta uu dagalku ka socda oo ah xaafada Kooshin ee magaalada Baledweyne gaar ahaan laanta Sheikh Cali Bood.
Nuur Dheere ayaa horay ugu mid ahaa saraakiishii hogaamineysay ciidamada la magac baxay Badbaadada Hiiraan oo magaalada Baledweyne ka hor istaagay safar xiligaas la qorsheynayay in magaalada u ku yimaado madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe.