Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta is rasaaseyn ay ku dhexmartay degaanka Garasbaaley ee ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.
Weerarkan ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii taliyaha booliska degmada Deyniile uu weerar ku qaaday ciidan iyo shacab ku sugnaa wado Jaay lagu shubayay oo ku taalla gudaha Garasbaaley.
Inta la xaqiijiyay weerarkan waxaa ku geeriyooday Hal askari oo ka tirsanaa ciidanka Garasbaaley, halka dhaawac uu soo gaaray qof shacab ah, sida ay sheegeen masuuliyiinta Garasbaaley.
Guddoomiyaha Garasbaaley Ibraahim Maxamed Rooble ayaa wuxuu sheegay in weerarkan uu si bareer ah u soo qaaday taliyaha booliska degmada Deyniile isaga oo wata gaari Cabdi Bile ah, islamarkaana arrintan ay u arkaan gardaro cad.
Wuxuu sheegay guddoomiyaha Garasbaaley ilaa hadda in aysan garaneyn sababta ka dambeysa weerarkan, isaga oo sidoo kale tilmaamay in aysan jirin wax xaalad ah oo ka horeysay dhacdadan.
Wuxuu kaloo sheegay in askari afduub ahaan uu u watay taliyaha booliska degmada Deynille, iyaguna dhankooda weli aysan qaadin talaabo ay kaga jawaabayaan weerarkan.
“Taliyaha booliska degmada Deyniile ayaa weerar ku soo qaaday wado Jaay lagu shubayay oo ciidan iyo shacab ay ku sugnaayeen, xabado ayuu la dhacay, askari annaga naga mid ah ayaa dhintay, midna afduub ayuu ku watay, qof shacab ahna wuu dhaawacmay, mana naqaano sababta arrintan uu u sameeyay, waxaan u aragnaa dulmi iyo gardaro cad, hay’adaha garsoorka iyo xeer ilaalinta waxaan ka codsaneynaa in cadaalada la soo hor istaajiyo”. Ayuu yiri guddoomiyaha Garasbaaley.
Taliyaha qeybta galbeed ahna afhayeenka booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble iyo kuxigeenkiisa ayaa waxa ay gaareen goobta ay wax ka dhaceen, waxayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.
Dhinaca eedeynta loo jeediyay ee ah maamulka degmada Deyniile ayaan la xiriirnay, balse inooma ay suuragelin inaan khadka telefoonka ku helno.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya goobta ay ciidamadan ku dagaalameen ayaa waxa ay sheegayaan in weli ay taagan tahay xiisada ka dhalatay arrintan, markalena laga cabsi qabo in dagaal kale uu dhaco.