Wararkii ugu dambeeyay Dagaal culus oo ka dhacay gobolka Sh-hoose

Reading Time: < 1 minute

Saakay waaberigii ayaa degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyey maleeshiyaad kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maamulka degmada iyo dadka degmadaas ayaa waxaa ayMOL u sheegeen in dagaalka uu yimid kadib markii ay iskhilaafeen maleeshiyaad Bar-koontorool ku leh degmada marka lag yimaado dhinaca Garoonka Diyaaradaha Balli-Doogle.

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Dhaqaalaha ee Maamulka degmada Walaweyn Maxamed Cabdullaahi Koosto ayaa sheegay in dagaalkaas ay ku geeriyoodeen ilaa 7 Ruux in ka badana ay ku dhaawacmeen.

Waxa uu sheegay in maleeshiyaad isbaaro u taallay Galbeedka degmada Walanweyn ay soo weerareen Maleeshiyaad kale, hayeeshee xaaladu ay tahay mid degan.