Diiwaan gelinta musharixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hir-Shabeelle oo bilaabatay shalay ayaa Maanta ku eg sida ay horey u shaaciyeen Guddiga doorashooyinka.
Musharixiin dhowrw ah ayaa is diiwaan geliyay, halka kuwa dhimana ay maanta is diiwaan gelin doonaan si loo soo geba-gabeeyo diiwaangelinta musharixiinta Madaxweynaha Hir-Shabeelle & kuxigeenkiisa.
Musharixiinta qaarkood ayaa horey u shaaciyay in ay u tartamayaan xilka madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulka Hir-Shabeelle.
Xubnaha ugu cad cad ayaa waxaa ka mid ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, kaas oo shalay sirasmi ah musharaxnimadiisa ugu soo bandhigay Magaalada Jowhar.
10 bishan oo Beri ku beegan ayaa la filayaa in musharixiinta madaxweynaha Hirshabelle iyo ku xigeenkiisa ay khudbad ka horjeediyaan xildhibaannada cusub ee baarlamaanka 2aad ee maamulkaasi.
Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle ayaa dhici doonta maalin Arbaco oo ku beegan 11 bisha November ee sanadkan 2020.