Iyado Manta uu baaqday kulanki uu golaha Shacabka ku laha Xarunta golha Shacabka aya waxa Maalinta berri ah lagu wadaa in la qabto kulankii maanta baaqday ee guddoomiyaha xilka guddoomiyenimo ee golaha shacabka baneeyay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu Xildhibaanada ku hortagi lahaa.
Kulanka ayaa ahaa kulan uu dalbaday Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo muhiimadiisu ahayd inuu jeediyo khudbad uu kaga hadlayo waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu soo hogaaminaayay golaha shacabka iyo sababta ugu weyn ee keentay inuu iscsilo.
Xafiiska guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha shacabka ayaa shaaciyay in kulanka uu maanta baaqday berina laga dhigay.
Xildhibaanada golaha shacabka ayaa lagu wargeliyay in maalinta beri ah o ay taariikhudu tahay 12 April uu jiro kulanka guud ee golaha shacabka, Jawarina uu jeedin doono khudbadiisa.
Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in C/wali Muudey uu ka soo horjeedo khudbada Jawaari uu ka jeedinayo ulanka.
Bulshada Soomaaliyeed ayaa ku Jahwareersan Baaqashadii Kulankii Maanta ee Xildhibanada maadaama la xaliyay hilaafkii taagnaa.