Wararki Ugu Danbeyay Weerarki Xalay&Medad Hor leh Sakay Laga Helay Goobihi Xalay Werarku Ka Dhacay

Reading Time: < 1 minute

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Iska hor imaadkii xalay ka dhacaymagaalada muqdisho Agagaarka Taalada Dhagaxtuur oo kasoo horjeeda Dhismaha Guriga Golaha Shacabka oo aanan sidaa ugu fogeyn iridka laga galo Madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka sakay halkasi laga helayo aya shegaya in meydadka 5 qof lagu arkay inta udhaxeysa Sayidka iyo Taalada Dhagaxtuur, oo iska hor imaadka xooggiisa ka dhacay.
Meydadka la arkay aya la shegay in ay ku jireen Haween la sheegay in ay kamid ahaayeen kuwa Qaadka Iibiya.

Tan iyo iska hor imaadkii Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Taalada Dhagaxtuur waxaa adkeyd in la helo ama la ogaado Khasaaraha Dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay gaariga qarxay iyo iska hor imaadka halkaa ka dhacay.

Dhimashada Qaraxaasi ayaa Caga-cageyneesa 18-qof oo dhimasho ah, waxaana sidoo kale dhaawacmay dadkale oo lakala geeyay goobaha Caafimaadka.