Warar Kala Duwan oo Kaso Baxaya Dagaal Ka Dhacay Gobolka Hiiraan

Reading Time: < 1 minute

Warar Dherad ah aya ka so baxaya dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray degaano ka tirsan gobolka Hiiraan , gaar ahaan degmada Maxaas.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee qeybta 52 –aad Axmed Maxamed Maxamuud Tareedisho ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen xubno badan oo ka tirsan Shabaab.

Waxaa uu sheegay in Meydadka Al-Shabaab la keenay degmada Maxaas, islamarkaana ay dhawaan u soo bandhigi doonaan warbaahinta.

Taliyaha ayaa xusay in markii hore uu dagaalka ka dhex bilowday Al-Shabaab iyo sidoo kale dadka degaanka.

Dagaalkan oo si gaar ah uga dhacay degaanka Bulacle ayaa intii uu socday dadka degaanka waxa ay garab ka heleen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo ka kala yimid Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.