Warar kala duwan oo kaso baxaya Dagaal Gobolka Hiiraan ku dhexmaray Al-Shabaab iyo kooda Macawiislayda

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel-Cali ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal u dhexeeyay Al-shabaab iyo Macwiisleyda xalay halkaas uu ka dhacay.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dhashay kadib markii Macwiisleyda ay weerar ku qaadeen Saldhig Maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-Cali ee Gobolka Hiiraan, isla markaana waxaa ka dagaalkaas uu socday muddo kooban.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac hasse ahaatee lama sheegin tiro rasmi ah oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay dagaalka.

Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka jira xoogag hubeysan oo aan aheyn ciidamada dowladda kuwaa oo dagaal kula jira Ururka Al-shabaab islamarkaana kala wareegay deegaanno dhowr ah oo ay horay gacanta ugu hayeen.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!