Warar kala duwan oo ka soo baxya Dad hor leh oo ku dhintaya Beledweyn ka dib Dadka webiga oo qaaday

Reading Time: < 1 minute

Wararka laga helayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Xalay ilaa Afar qof uu qaaday fatahaada ka jirta Magaaladas.

Dad ku sugan Baladweyne ayaa waxaa ay sheegayaan in dadka uu fatahaada Wabiga ku qaaday Xaafada lagu Magacaabo Nuur Xawaad ee Magaalada baladweyne gaar ahaan Buunda labaad.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Guddiga Gurmadka Fatahaada ay wadaan dadaalo ay ku baadi goobayan dadka ay qaadeen Biyaha fatahaadaha Wabiga Shabeelle ee Magaalada bladweyne.

Arrintaan ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli weli geeri yo Nolol lagu la’yahay qaar kamid ah dadkii saarnaa doon Maanta ku qalibantay Magaalada Baladweyne.