Warar kala duwan oo ka soo baxaya Toogasho Muqdisho ka dhacday

Reading Time: < 1 minute

Waxaa warar kala duwan ay ka soo baxayaan toogasho ka dhacday Degmada Hodon ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafada Siigaale waxaana toogashadaa loo gaystay mid kamid ahaa dhalinyarada Degmadaasi.

Goobjoohayaal ku sugan halka uu Dilku ka dhacay ayaa waxa ay inoo xaqeejiyeen in dablay hubaysan ay Wiilka qaybaha sare ee jirkiisa ay rasaas kala dheceen waxaana Dilka kadib goobta isaga cararay dablaydii Dilka gaysaty.

Majirto ilaa iyo hada Cid sheegatay Mus,uuliyada dilkaasi waxaana wararka qaar sheegayaan in Wiilka ladilay uu ka mid ahaa Maamulka Degmada Hodon waxaana lagu magacaabi jiray Liibaan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!