Warar kala duwan oo ka soo baxaya Toogasho ka dhacday Magaalada Boosaaso

Reading Time: < 1 minute

Waxaa Warar kala duwan ay ka soo baxayaan Toogasho Xalay ka dhacday Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari waxaana Toogashadaa lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Puntland ee ka howlgala Magaalada Boosaaso.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay mid kamid ah Xaafada Magaalada Boosaaso waxaana Dilkaa gaystay Dablay hubaysan oo aan la aqaan Cida ay ka tirsanyihiin Dilka kadib waxaa goobta isaga baxsaday Dablaydii Dilka gaysatay.

waxaa waayihii dambe Magaalada Boosaaso ku soo badanayay Falalka Amaanka lidiga ku ah waxaan lagu dilayay Saraakiil iyo Shaqsyaad kale oo deegaanada Maamulka Puntland Caan ka ahaa waxaana jirin ilaa iyo hada cid ka hadashay Dilkii Xalay dhacay Boosaaso iyo Cid loo soo qabtay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!