Reading Time: < 1 minute

Faah faahin kasoo baxeysa duqeymo xoogan oo goordhow ka dhcey deegaano hoostaga Gobolada shabeellaha hoose iyo Jubbada dhexe kuwaas oo lala bartilmaameed sanaayey horjoogayaal sare oo katirsan dagaalamayaasha alshabaab.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Duqeymo Xoogan oo la sheegay iney ka dhaceen deegaano katirsan Gobolada Sh/hoose iyo Jubbada dhexe.

Saraal katirssn Sirdoonka Qaranka ayaa Warbaahinta u sheegay in la Duqeeyay Deegaanada kala ah Hargeysa-yarey, Degamada Saakow iyo Deegaano udhaxeeya Jilib iyo Bu’ale iyo Deegaanka Sablaale.

Sidoo kale wuxuu sheegay Degmada Saakow in lagu Duqeeyay Xarun ciidamada Shabaab sanad u talay Xaro weyn oo lagu keydin jirey hubka fudud iyo rasaasta.

Ugu dambeyntii Sarkaalka ayaa sheegay Duqeyn ka dhacday degaanka Sablaale oo katirsan Gobolka Shabeelada hoose in lagu bartilmaameedsaday Gaadiidka dagaal oo ay lahaayeen Alshabaab kuwaas oo u qaab ekaa gawaarida ay isticmaasho AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here