Warar kala duwan oo ka soo baxaya Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Warar kala duwan ayaa waxa ay ka soo baxayaan Qarax ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan halka loo yaqaano Siinka Dheer waxaana qaraxaa lala eegtay kolonyo katirsan Ciidamada xooga Dalka Soomaalia.

Joobjoogayaal ku sugan halka uu Qaraxu ka dhacay ayaa waxa ay inoo xaqeejiyeen in uu Qaraxaa ka dhashay khasaarooyin kala duwan woloow aanan la ogayn halka uu Khasaaruhu gaarsiisanyahay.

waxaa maalmihii la soo dhaafay Wadada xiriirisay Afgooge iyo Muqdisho ka dhacayay Qaraxyo Miino kuwaa oo haleela Kolonyada katirsan Ciidanka Xooga iyo Shacabka wadadaa isticmaala.